Somali Community in Victoria condemns the Melbourne CBD attack

We’ve heard that the attack at Bourke Street Melbourne this afternoon is involved with a man of Somali background. This has been such a big shock to the Somali Community in Victoria and Australia in general.
This is unacceptable behaviour and we condemn such actions. Our prayers and thoughts are with those affected and their families and the Police officers who were injured at the scene. 
We are waiting for the investigations as this is not a representation of our community. The community is also seeking more information about this situation and request that we as a community stay calm as the case is under investigation.

We thank victoria police for their services in keeping the victorians safe.We will be working alongside with Victoria Police and will assist in any way possible.


Waxaan maqalnay in shakhsi asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya uu weerar ku qaaday dad ku sugnaa Bourke St ee Magalaadan Melbourne. Runtii waxay nagu noqotay naxdin weyn haddaan nahay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia ku dhaqan. 

Dhaqanka noocan ah ma aha wax loo dulqaadan karo, waan cambaareyneynaa, waana in aan meel uga soo wada-jeedsanaa sidii looga hortegi lahaa. Waxaan ka tacsiyadeynaa cid walba oo wax ku noqotay weerarkan arxandarada ah iyo qoysaskooda, intii ku dhimatay iyo intii ku dhaawacantayba. Sidoo kale dhaawacyadii ka soo gaaray booliska victoria iyadana waan ka tacsiyadeyneynaa.

Waxaan weli sugeynaa baarista arrintan ku saabsan, waxaana caddeyneynaa in jaaliyadeena uusan matalin dadka noocan ah. Maadaama ay baaristu weli socoto gacantana ay ku hayaan boolisku waxaan jaaliyadda u sheegayaa in ay is-dejiyaan.

Aad  ayaan ugu mahadcelineynaa Booliska Victoria shaqadii wanaagsaneyd ee ay arrintan ka qabteen. Waxaana diyaar u nahay in aan kala shaqeyno amniga si walba oo macquul u tahay. [/vc_column_text]