Warxumo-tashiilka iyo runta ku saabsan Coronavirus (Covid-19)

Ma dooneysaa macluumaad xaqiiqo ah oo ku saabsan tallaalka Covid-19?

Dowlada Australia waxay nala wadaagtay war- beeneed’ka hoose ee laga faafiyay Tallaalka Covid-19 iyo waxa ka run ah kutiri-kuteentaas, si aan ula wadaagno bulshadeena.

Waa muhiim inaad xog-ogaal u ahaato arinta tallaalka Covid-19, sidaa darteed akhri warbixinada hoose oo ku qoran luqadda Soomaaliga si su’aalaha aad is-weydiineyso jawaabo ugu hesho.

La soo xiriir jaaliyadda Soomaaliyeed wixii aad fahmi weyso ama haddii aad u baahato wixii macluumaad ah ee intaa dheer. Emailkeenu waa admin@somalicommunity.org.au