KA DIGTOONOOW DAROOGADA ICE-KA!

Waa wacyi gelin ku saabsan arrimaha mukhaadaraadka khaasatan mukhaadaradka loo yaqaan Ice-ka.

Barnaamijkan wuxuu ka mid yahay barnaamijyo wacyi-gelin ah oo ay Jaaliyadda Soomaalida Victoria ugu talo-gashay bulshadeeda si ay uga diktoonaadaan ulana socdaan.

Haddaba muxuu yahay daroogada ama mukhaadaradka Ice-ka loo yaqaan?

 

Ice-ku waa noockamid ah noocyada daroogada ama mukhaadaraadka. Waana shay u cad sida barafka ama glass-ka.

Cabidda ama qaadashada Ice-ka waa ka sii qabatimo badan tahay noocyada kale ee daroogada’

Dadka isticmaala noocan aad ayay u soo badanayaan oo intii u dhaxeysay mudadii 2010-kii illaa 2013-kii waxaa istcimaalay in kabadan laba jibaar

Daroogadadan waxay sababi kartaa shaki badan & dhalanteed waxaana afka qalaad loo yaqaan Psychosis Metahamphetamine (saaykowsis metanfetamiin)

Noocan daroogada wuxuu xiriir la leeyahay arrimaha rabshadaha, wuxuu kordhiyaa dagaalka qofka taas oo keenta in qofka isticmaalaa uu kaga jawaabo waxyaabo badan si xanaaq ka muuqdo.

Waxyaabaha lagu ogaado qofka isticmaala waxaa ka mid ah: niyad-jab, daal faro badan, walaac, xanaaq dagaal kugu kallifa, hurdo la’aan, abetite-ka oo xirma, hadal badan, shaki badan, garaaca wadnaha oo kordha, neeftuur, ilkaha oo uu isku garaaco(gariir), af-qaleyl, dhidid, jircuncun, & kalsooni siyaado ah.

Khataraha uu la iman karo waxaa ka mid ah:

Arrimaha Bulshada: xiriirka qoyska oo xumaada, saaxiibo la’aan, shaqo la’aan, hooy la’aan, dhaqale xumo dabadeedna siyaabo khaldan uu u raadiyo, khatar xagga sharciga ah sida in la xiro, maskaxda oo qofka wax-noqota iyo kuwo kale.

Haddaba walaal hooyo ama aabe waxaa jaaliyadda soo gaaraya warbixino ku saabsan arrimaha daroogadan taas oo u baahan in laga hortago laga wadatashado la iskana caawiyo sidii wax looga qaban lahaa. Ka jaaliyad ahaan waxaan bilownay barnaamijyo arrimahaas iyo kuwo la mid ah ama waxtar u leh jaaliyadeena aan ka wacyi-gelino, waana marwalba wanaagsan in aad la socoto hadba xaaladda ay dakeenu ama jiilka soo koraya ku sugan yihiin. Waa waajib waalidka saaran in ilmahooda ay ka warqabaan lana socdaan waxa uu qabanayo marka uu dibedda ku maqan yahay & marka uu guriga joogaba.

Maxaad sameyneysaa haddii aad la kulanto qof daroogadani ay saameysay ama isticmaala?

Qeylada, af-lagaadada, faquuqida iyo wax-ka-sheeguba xal ma keenaan! Haddii aad xaaladdan ku aragto saaxiib ama xubin qoyskaaga ka mid ah isku day in aad cawiso, si deggan ula hadal, dhageyso waxa uu sheegayo, raadi caawin adigoo ama la xiriiraya hey’adaha caafimaadka sida dhakhaatiirta, ama kuwa ka shaqeeya la dagaalanka mukhaadaraadka. Sidoo kale haddii aad khatar dareento wac 000 (poliska ama ambulance-ga si lagaaga caawiyo.

Caawimaaddu mar walba waa muhiim ee ha ka xishoon in aad caawimaad raadsato. Daroogada Ice-ku waa dilaa!!

 

Wixii faahfaahin intaa dheer sida talo iwm, kala xiriir Xafiiska Jaaliyadda Soomaalida  Telefan Number 9372 5587  ama cinwaanka  xafiiska oo ah (office 1 – 120 Racecourse Rd Flemington VIC 3031)